Jadwalka waajibaadka
Aayado ka mid ah Qorniinka oo masuuliyiin heerar kala duwan uga digaya xilalkooda iyo waajibaadkooda
Ku socota Bishobyada, wadaadada iyo wacdiyayaasha
Kormeeruhu waa inuu ka nadiif ahaadaa calaacalka, waa in uu hal xaas lahaado, dabeecad wanaagsan lahaadaa, mid dhowrsoon ahaadaa, ixtiraam lahaadaa, dadnimo lahaadaa, wax bari karaa, uusan saqraamin, uusan rabshad badnayn, laakiin degan yahay, muran badnayn, uusan lacag jecleyn, oo waa inuu u maamulaa qoyskiisa si wanaagsan oo uu arko in caruurtiisu si xishmad leh ay u adeecsan yihiin. [1 Tim. 3:2-4]
Waa in uusan ahaan qof mar dhow diinta soo galay waaba intaasoo uu isla weynaadaa oo uu ku hoos dhacaa xukunka shaydaanka loo xukumo oo kale. [1Tim. 3:6]
Waa inuu si adag u haystaa ereyga Eebbe ee aaminka ah kuna dhiiri geliyaa kuwa kale caqiido ahaan, kuwa diidana u cadeeyaa khaladkooda [Tiitos 1:9]
Waxa wadaadadu ay ku leeyihiin kuwa dhagaysta
Rabbiga wuxuu amray in kuwa dadka injiiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaan. (1Korintos 9:14)
Kan hadalka la baraa wax waliboo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax baraya. Yaan laydin khayaamaynin: Ilaahay laguma majaajiloodo. Waayo, ninksataa wax alaale wuxuu beerto ayuu goosan doonaa (Galatiya 6:6-7)
Waayeelada si wanagsan wax ugu taliya halagu tiriyo kuwa wax istaahila in laban laab loo maamuuso, qusuusan kuwa ku howshooda wacdinta iyo waxbarida. Waayo Qorniinku wuxuu leeyahay “waa inaadan dibiga af xirin markuu sareenka burburinayo” wuxuu kaloo leeyahay “shaqaalahu waa istaahilaan abaal gud.” (1Timoteyos 5:17-18)
Laakiinse waxaan idinka baryaynaa, walaalayaaloow, in aad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sareeya oo idinla taliya: Oo aad iyaga aad iyo aad jaceyl ugu darejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga. (1Tesalonika 5:12-13)
Hogaamiyeyaashiina addeeca oo ka danbeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiina sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taasna farxad ha ku sameeyeen, oo ka amar qaata, oo ha dhibina, waayo taasi waxba idiin tari mayso idinka. [Cibraaniyada 13:17]
Dowladda Rayidka ah
Qof walba waa inuu ka danbeeyaa xukunka dowladda, maadaama uusan jirin xukun aan ka ahayn midka Eebbe ka yimaada xukunka jiraa waa mid ka yimid xagga Eebbe. Sidaa daraadeed kii ka hor yimaadda kan amarka leh wuxuu horjoogsadaa amarka Ilaahay, kuwa horjoogsadaana waxay naf ahaantooda u heli doonaan xukun. Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa ina adan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isaga. Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaahay inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse hadii aad xumaan sameeysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sabab la’aan. Maxaa yeelay, isagu waa madiidinka Ilaahay, oo waa mid caro kaga aarsada kii xumaan sameeya. (Rooma 13:1-4)
Muwaadiniinta
Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay. (Matayos 22:21).
Sidaa daraadeed waa in laga danbeeyaa kan amarka leh, mana aha carada awadeed oo kaliya laakiinse waa niyada aawdeed. Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan canshuur maxaa yeelay, iyagu waa midiidinadii Ilaaha oo had jeer ka shaqeeya isla waxaas. Mid waliba wuxuu idinku leeyahay siiya; kii macaash idinku leh, macaash; kii canshuur idinku leh canshur siiya, kii laga cabsadana ka cabsada, kii cisa lehna ciseeya. (Rooma 13:5-7)
Sidaa daraadeed ugu horreyntii waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u duceeysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan, qusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaan nolol xasiloon oo nabadeysan ku noolaanno, inagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh. Taasu wey wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha badbaadiyaheenu aqbali karo. (1 Timoteyos 2:1-3)
Xusuusi dadka inay madaxda iyo kuwa amarka leh ka danbeeyaan, oo ay dhaga nuglaadaan oo shaqo kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan. (Tiitos 3:1)
Rabbiga daraadiis u adeeca amar kasta oo dadka oo dhan, amase madaxda oo uu isagu u soo diray inay ciqaabaan kuwa xumaanta fala ama inay amaanaan kuwa samaanta fala. (1 Butros 2:13-14)
Ragga Xaasaska leh
Nimankow, idinkuna sidaas oo kale afooyinkiina aqoon kula dhaqma sidii iyagoo ah weel tabar daran, oo iyaga mamuusa sida kuwa idinla dhaxla nimcada nolosha, si aan baryadiina loo horjoogsan. (1 Butros 3:7)
Nimankoow, idinkuna afooyinkiina jeclaada oo ha u darnaanina. (Kolasay 3:19)
Haweenka la Qabo
Dumaryahow, raggiina ka danbeeya sida aad Rabbiga uga danbeeysaan. (Efesos 5:22)
Waayo, sidaas oo kale ayaa dumarkii quduuska ahaa oo Ilaahay wax ka rajeeyn jiray ay isu qurxin jireen, iyagoo nimankoodii ka danbeeyo. Sahraba sidaas oo kaley Ibraahim u addeeci jirtay, oo ay ugu yeeri jirtay sayidow; Oo idinna haddii aad wanaag fashaan oo aydaan ka cabsan wixii argagax leh waxaad tihiin caruurteedii. (1 Butros 3:5-6)
Waalidka
Aabayaashow, caruurtiina ha ka careeysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga. (Efesos 6:4)
Caruurta
Caruurtoy, waalidkiinna ku adeeca xagga Rabbiga, waayo taasu waa quman tahay. Qaynuunkii koowaad oo balan la jiraa waa kan, “Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus inaad nabdoonaatid oo cimrigaagu ku dheeraado dhulka.” (Efesos 6:1-3)
Nooc Kasta Shaqaalaha
Adoomadow, kuwa xaga jirka Sayidyadiina ah ku adeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale. Ha ahaanina kuwa markii loo jeedo kaliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada adoomada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka sameynaya. Niyad wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya o aan dad u adeegayn, idinkoo garanaya wax kasta oo wanagsan oo midkasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay adoon iyo hadduu yahay xorba. (Efesos 6:5-8)
Kuwa loo Shaqeeyo iyo Masuuliyiinta
Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad ogtihiin kan ah Sayidkooda iyo kiinaba ee jannada ku jira, in uusan dadka u kala eexan. (Efesos 6:9)
Dhalinyarada
Sidaas oo kale dhalinyaradaay, odayaasha ka danbeeya, oo kuligiin is hooseysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaahay waa horjoogsadaa kuwa kibra laakiinse kuwa is hooseysiiya ayuu nimco siiyaa. Haddaba sidaas daraadeed Ilaah iska hooseysiiya si uu waqtigiisa idiin sareeysiiyo. (1 Butros 5:5-6)
Carmalka
Waayo, tii carmal run ah oo cidlootay, waxay rajo kuleedahay Ilaah, habeen iyo maalina waa inay baryada iyo tukashada sii waddaa, laakiin tii raaxaysi u noolaataa waa mayd intay nooshahay. (1 Timoteyos 5:5-6)
Qof Kasta
Waayo amaradani ….. waxaa lagu soo koobay hadalkana “Waa inaad deris kaaga u fecaataa sida naftaada.” (Rooma 13:9)
Sidaas daraadeed, ugu horeeyntii waxaan kugu waninayaa inaad Ilaahay u baridid, oo aad u tukato, oo aad u duceeysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan. (1 Timoteyos 2:1)
Casharadaas mid kasta si taxadar leh ha u barto oo reerka oo dhanna way barakoobi doonaan