Kaatekiiska Yar ee Luter

Waxaa qoray Dr. Martin Luter

Qirashada Dembiga

Qirashada Dembiga

Sida ay tahay in loo baro masiixiyiinta quirashada dembiga

Waa maxay qirashada dembigu?

Qirashada danbiga waxay u qaybsantaa labo qaybood. Tan koowaad, waa in aan qirano denbiyadeena, iyo tan labaad waa in aynu helno denbi dhaaf, taasi waxaa weeye cafis aan ka helno wadaadka kaniisada, taasoo Ilaahay xaggiisa ka timaada laakiin haddii si dhab ah loo rumeeysto, oo aanu qirano dambiyadeena shaki kuma jiro in Eebbaha janada ku jiraa uu na cafinayo.

Dembiyadee baynu qiranaynaa?

Waxaan Ilaahay hortiisa ku barinaa in dhammaan dambiyadeena xitaa kuwa aynaan ogeyn uu naga cafiyo sida aan yeello marka aan tukano Tukashada Rabbiga; laakiin wadaadka kaniisadda hortiisa waxaan ku qiranaynaa oo kaliya danbiyada aan ognahay ee uu qalbigeenu dareensan yahay.

Waa kuwee kuwani?

Bal eeg meesha aad kaga jirto nolosha marka loo eego Tobanka Amar: Ma waxaad tahay aabbe, hooyo, wiil, gabadh, nin, naag, ama shaqaale? Miyaad ahayd mid dhaga adag, aan iimaan lahayn ama caajisloow ah? Miyaad ahayd mid camal xun, edeb daran, ama muran badan? Weli qof af ama adin wax ma ku yeeshay? Wax miyaad xaday, wax ma dayacday, oo wax ma lumisay ama wax dhibaato ah ma geysatay?

Qaab kooban ee qirasho

[Luter wuxuu ugu tala galay qaabkan soo socda in loo adeegsado oo kaliya tusaale ahaan oo qirashada gaar ahaaneed ee Masiixiyiintii xilligiisa. Hab casri ah ee Qirashada shaqsi ahaaneed ka eeg kitaabka cibaadeysiga Luteranka bogga 310-311]

Toobadkeenuhu wuxuu odhanayaa:

Loo Qirtaha qaaliga ahow, waxaan fadlan kaa codsanayaa inaad dhagaysato qirashadeyda oo aad dembi dhaaf iigu dhawaaqdo si aan u fuliyo doonista Eebbe.

Aniga oo ah dembiile miskiin ah, waxaa dambigeyga ku qiranayaa Eebe hortiisa gaar ahaan waxaan hortaada ku qiranayaa in aniga oo ah shaqaale, adeegto, iwm. Aniga oo ka qoomamaysan in madaxdeyda aan si khaa’inimo ah ugu sameeyay waxaas iyo waxaas oo aanan howshii la igu amrayna gudan. Waan ka careeysiiyay oo ku kelifay inuu I habaaro. Waan dayacay oo khasaariyay. Waan cadho badnaa af iyo adinba, saaxiibadayna waan la murmaa haweeneyda guriga waan dhibay oo habaaray waxaas oo dhan waan ka xumahay oo waxaan weeydiisanaya nimco iyo raxmad, waxaan rabaa in aan si sidaan ka wanaagsan sameeyo.

Marwada ama odayga gurigu wuxuu odhanayaa:

Si gaar ah waxaan hortaada ku qiranayaa in aanan u barbaarin caruurteyda ama ugu hoggaanin shaqaalahayga iyo afadeyda xagga sharafta iyo ammaanta Ilaahay. Waan habaaray, Waxaan u sameeyay tusaale si xun af iyo addinba, Waxaan wax yeeleeyay deriskayga oo aan si xun ula hadlay. Waxaan lacag badan ku iibiyay badeeco liidata, oo waxaan siiyay wax ka yar wixii la bixinayay.

[Denbi qirtuhu ha qirto wax alaale iyo wixii kale ee uu sameeyay ee lidi ku ah amarada Ilaahay iyo xilkii uu hayay]

Haddii si kastaba ha ahaatee qof naftiisa aysan culays ku ahayn kuwan ama denbiyo ka sii weyn, ma aha inuu isku dhibo ama uu raadiyo dembiyo kale oo uu naftiisa ciqaabo, waase inuu sheegaa hal ama labo uu og yahay: Ha yiraahdo, waxaan si gaar ah u qiranayaa in aan inkaaray: waxaan ku hadlay ereyo aan haboonayn: oo waxaan in kiray tan ama taas iwm. Oo intaas ha ku akeeyo.

Laakiin haddii aadan waxba ogeyn [taasoo aan u ekayn in ay suurtagal tahay], ha sheegin wax khaas ah, laakiin ku hel cafis guud ahaan qirashadii aad u bandhigtay Ilaahay adigoo ka qirtay waddaadka hortiisa.

Markaasuu looqirtuhu odhanayaa:

Eebbe ha kuu naxariisto, oo iimaankaaga ha adkeeyo. Aamiin.

Waxaa intaasi dheer:

Ma rumeysan tahay in cafiskaygu uu yahay cafiska Ilaahay? Haa, loo qirtaha qaaliga ahow.

Ka dibna ha yiraahdo:

Ha loo aqbalo sida aad u rumeysan tahay. Aniga oo raacaya amarka Sayidkeenna Ciise Masiix waxaan kaaga cafiyay dembiyadaada magaca Aabbaha, iyo kan Wiilka, iyo kan Ruuxa Qudduuska ah. Aamiin. Nabad gelyo ku tag.

Wadaadka loo qiranayo wuxuu kukordhini karaa aayado kale oo loogu qalbiqaboojinayo laguna adkaynayo iimaanka kuwa culayska weyn uu ku hayo maskax ahaan ama ka murugoonaya oo ka xun dambiyadooda.

Tani waxaa loola jeedaa tusaale qaabka guud ee Qirashada.

Waa maxay Xafiiska Furayaashu?*

Xafiiska furayaashu waa xukunka gaarka ah ee uu Sayid Ciise Masiix siiyay kaniisaddiisa adduunka si ay u cafido dembiyada kuwa toobadkeena laakiin ay uga haysato cafinta kuwa aan toobad keenin ilaa inta ay ka toobad keenayaan.

Tani xaggay ku qoran tahay?

Tani waxaa weeye wixii uu Wali Yooxanaa wacdiyihii injiilka ku qoray cutubka labaatanaad Oo markuu waxaas yiri ayuu ku neefsaday oo ku yiri, “aqbala Ruuxa Qudduuska, nin alla ninkaad dambiyadiisa cafidaan, way cafisan yihiin, nin alla ninkaad dambiyadiisa ku celisaan, wey ceshan yihiin.” [Yooxanaa 20:22-23]

Maxaad ka aaminsan tahay ereyadaas?*

Waxaan rumeysanahay marka wadaadada kaniisada ee Sayid Ciise magacaabey ay nagula macaamilayaan amaradiisa rabbaaniga ah, gaar ahaan marka ay ka reebaan danbiilayaasha aan toobad keenin jameecada kaniisadda, isla markaana ay aqbalaan kuwa ka toobad keena denbiyadooda oo raba in ay wax ka sii wanaagsan sameeyaan, tani waxay ansax iyo xaqiiqo ka tahay xataa samada, sidii iyadoo uu inoo fuliyay Sayid Ciise, Rabbigeena qaaliga ahu.

*Su’aashan Luter laf ahaantiisu ma uusan qorin laakiin maadaama ay waafaqsan tahay waxbariddiisii intii uu noolaa ayaa kitaabkan kaatekiiska lagu daray.