Kaatekiiska Yar ee Luter

Waxaa qoray Dr. Martin Luter

Karaamada Baabtiiska Qudduusan

Karaamada Baabtiiska Qudduusan

Waa in madaxa qoysku uu u baro reerkiisa sida ugu fudud

Koow

Waa maxay baabtiisku?

Baabtiisku ma ahan biyo cad oo kaliya, laakiinse waa biyo ay la socdaan amarka Eebbe kuna lamaansan yihiin Ereyga Eebbe.

Waa kee ereyga Eebbe?

Sayidka Rabbigeena Masiixa ahi wuxuu ku leeyahay cutubka u danbeeya ee Matayos: “Haddaba taga oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga oo ku baabtiisa magaca Aabbaha, iyo kan Wiilka, iyo kan Ruuxa Qudduuska” (Mat. 28:19)

Labo

Muxuu inoo faa’iideeyaa baabtiisku?

Wuxuu inoo qabtaa cafiska danbiyada, waxay inaga badbaadisaa dhimashada iyo shaydaanka, oo waxayu keentaa badbaado daa’im ah dhamaan kuwa rumeeysta tan, sida ereyada iyo ballanqaadka Eebbe cadaynayaan.

Waa kuwee ereyada iyo balanqaadyada Eebbe?

Rabbigeena Masiixu wuxuu ku leeyahay cutubka ugu danbeeya ee Markos: “Kii rumeysta oo la baabtiiso wuu badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.” (Markos 16:16)

Saddex

Sidee bay biyo u qaban karaan arimahan waa weyn oo kale?

Xaqiiqdii biyo oo kaliya ma aha, laakiin ereyga Eebbe ee ku jira oo ku lammaansan biyaha ayaa qabta arimahan, oo uu la sado iimaan lagu aamino ereyga Eebbe ee biyaha ku jira. Ereyga Eebbe la’aantiis biyuhu waa biyo iska cad waxna ma baabtiisaan. Laakiin markuu ereyga Eebbe la socdo waa baabtiis, taasi waxa weeye biyaha nolol siinta, oo qani ku ah raxmad, waana maydhista dhalashada cusub ee ku jirta Ruuxa Quduuska, sida uu ku qoray Wali Bawlos kitaabka Tiitos cutubka saddexaad: “Laakiinse markii raxmadii Ilaaha badbaadiyaheena ah iyo jacaylka uu dadka u qabay muuqdeen ayuu ina badbaadiyay, inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu sameynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyay nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusbooneysiinta Ruuxa Quduuska ah, oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay badbaadiyaheena Ciise Masiix, inaynu, innagoo qoduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rayada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxlo. Hadalkanu waa run” (Tiitos 3:5-8).

Afar

Muxuu baabtiiska noocan ah ee biyahu muujinayaa?

Wuxuu muujinayaa in dhaxalkii Aadan ee hore ee inagu jiray ay qoomamayn iyo toobadkeen maalinkasta ah biyuhu u liqayaan oo aan la dhimanayno dhammaan dembiyada iyo damacyada sharka leh, in maalin kasta uu soo baxayo qof cusub, oo la soo kacaya in uu Eebbe hortiisa ku noolaado xaqnimo iyo nolol suuban weligii.

Xagee bay tani ku qoran tahay?

Wali Bowlos wuxuu ku qoray warqadiisii Rooma, cutubka lixaad sidan: “Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda in sidii Masiixa kuwii dhintay oo dhan loogaga sarekiciyay ammaanta Aabbaha, aan inaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex socono.” [Rooma 6:4]