Kaatekiiska Yar ee Luter

Waxaa qoray Dr. Martin Luter

Tukashada Rabbiga

Tukashada Rabbiga

Waa in madaxa qoysku uu u baro reerkiisa sida ugu fudud

Aabaheena janada ku jirow, magacaagu qudduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaaddo, doonistaada dhulka halaga yeelo sida janada loogu yeelo, kibis maalin nagu filan maanta na sii, oo dambiyadeenna naga cafi sidaanu annaba u cafino kuwa dambiyada naga gala, oo ha noo kaxayn jirabaadda laakiinse sharka naga xijaab, waayo boqortooyada, iyo woodda, iyo sharafta, Adigaa leh hadda iyo waligeedba. Aamiin.

Hordhaca

Aabaheena janada ku jiroow.

Waa maxay tan micnaheedu? Erayadaasi wuxuu Eebbe si dabacsan oo naxriisi ku dheehan tahay inoogu yeerayaa inaan rumeysano inuu isagu yahay Aabaheena runta ah iyo inaan innagu nahay caruurtiisa runta ah, sidaas daraadeed waxaanu si geesinimo iyo kalsooni ku dheehan tahay wax ugu weeydiisan karnaa sida caruur ay aabahood u weeydiistaan oo kale.

Baryada Koowaad

Magacaagu quduus ha ahaado.

Waa maxay tan micnaheedu? Magaca Eebbe xaqiiqadii waa mid quduus ah, laakiin waxaynu baryadan ku codsanaynaa in uu dhexdeena quduus ka ahaado.

Sidee magaca Eebbe Qudduus ku ahaanayaa? Magaca Eebbe wuxuu quduus ahaan marka erayga Eebbe loo barto run ahaantiisa iyo saafinimadiisa, oo innaga, oo ah caruurta Eebbe aan ku noolaano nolol qudduusan oo waafaqsan Eraygiisa. Oo nagu caawi sidaan u sameeyn laheyn tan Aabbaha qaaliga ah ee janada ku jirow! Laakiin qof kasta oo si aan haboonayn u bara ama ugu noolaada Erayga Eebbe wuxuu dhexdeenna ku inkiray magaca Eebbe. Kuwaas ha naga dhigin Aabbaha janad ku jirow!

Baryada Labaad

Boqortooyadaadu ha timaado.

Waa maxay tan macnaheeda? Boqortooyada Eebbe xaqiiqdii iskeed ayay u timaadaa annagoon baryin, laakiin waxaan u baryaynaa in ay inoo timaado Boqortooyadiisu inagana.

Siday ku timaadaa Boqortooyada Eebbe? Boqortooyada Eebbe waxay timaadaa marka Aabaheena samadu uu ina siiyo Ruuxiisa Qudduuska ah, si nimcadiisa aan ugu rumeysano Ereygiisa qudduusan, oo ugu noolaano nolol uu ka raalli yahay wakhtiga aan halkan joogno iyo nolosha weligeed ahba.

Baryada Saddexaad

Doonistaada dhulka halooga yeelo sida janada loogu yeelo.

Waa maxay tan micnaheedu? Doonista wanaagga iyo nimcada Eebbe waxay dhacdaa ama la yeelaa inagoo aan baryin, laakiin waxaan u baryaynaa in sidoo kale laga sameeyo innaga dhexdeena.

Sidee bay doonista Eebbe ku dhacdaa? Doonista Eebbe waxay dhacdaa marka uu jebiyo ee uu baabi’iyo qorshe kasta oo xun iyo ujeedada shaydaanka, adduunka iyo deniyadeena dabiiciga ah, kuwaas oo aan inoo rabin in aan qudduus ka dhigno magaca Eebbe ama aan rabin in boqortooyada Eebbe timaado; iyo marka uu inagu xoojiyo oo uu si adag inoo xafidiyo ereygiisa iyo iimaankiisa illaa aanu ka dhimano.

Tani waa wanaaggiisa iyo raalli ahaanshaha nimcadiisa.

Baryada Afraad

Kibis maalin nagu filan maanta na sii.

Waa maxay tan micnaheedu? Ilaahay xaqiiqdii wuxuu maalin walba irsaaqaa qofkasta inagoon baryin, xitaa dhammaan dadka xun, laakiin waxaan u baryaynaa baryadan in Ilaahay nagu hogaamiyo si aan u ogaano tan una helno irsaaqdeena maalin waliba anagoo u mahadnaqayna.

Maxaa loola jeedaa kibista maalin waliba? Kibista maalin waliba waxaa ka mid ah wax waliba oo aanu ku taageeri lahayn waxqabadkeenna iyo baahideenna jidhahaaneed sida cuntada, cabitaanka, dharka, kabaha, guriga, degaanka, dhulka, xoolaha nool, lacagta, badeecada, nin ama naag inoo hagar baxaya, caruur daacad ah, shaqaale daacad ah, dawlad wanaagsan, cimilo wanaagsan, nabad, caafimaad, dhawrsanaan, sumcad, saaxiibo wanaagsan, deris iimaan leh, iyo wixii la mid ah.

Baryada Shanaad

Oo naga cafi danbiyadeenna sidaanu innaba u cafino kuwa danbiyada naga gala.

Waa maxay tan micnaheedu? Waxaanu ku baryaynaa baryadan Aabbahanaga janada ku jira in uusan fiirin danbiyadeena, ama uusan naga aqbali waayin tukashdeenna danbiyadeena darteed. Waxa aanu baryayno uma qalano, mana aanaan muteysan, laakiin waxaanu weydiisanaynaa inuu na siiyo dhammaan, oo nagu siiyo naxariis, maadaama aynu maalin waliba danbaabno, oo run ahaantiina aanan waxba muteeysan ciqaab mooyee. Haddaba waa inaan annaguna sidoo kale si daacadnimo ah u cafino, oo si farxadi ku jirto wanaag ugu sameyno kuwa innaga denbiga inaga gala.

Baryada Lixaad

Oo hanoo kaxayn jirabaadda.

Waa maxay tan micnaheedu? Ilaahay qofna ma jirabo. Waxaan ku baryaynaa baryadan in Ilaahay uu na ilaaliyo, oo na xafido, si aynaan shaydaanka, aduunyada, iyo denbiyadeena dabiiciga ahi aysan noo khatalin oo aysan noogu marin habaabin rumeysi been ah niyad jab iyo waxyaabo waaweyn oo kale oo ceeb ah, oo aanaan u fasahaadin. Inkastoo ay na soo hujuumaan waxyaalahaas, waxaan baryaynaa ugu danbeystii inaan ka adkaano, oo guulaysanno.

Baryada Toddobaad

Laakiin sharka naga dhowr.

Waa maxay tan micnaheedu? Waxaan ku baryeynaa baryadan si kooban in Aabaheena janada ku jira uu inaga badbaadiyo shar kasta oo u xun jir iyo nafta, hantida iyo sharafta, iyo ugu danbeyntii marka ay timaado saacada u danbeeysa in uu na siiyo barako, si raxmad lehna uu nooga saaro waadiga murugada oo xaggiisa uu noo saaro.

Gabagabada

Waayo, boqortooyada, awoodda iyo sharafta adigaa leh hadda iyo waligeedba.* Aamiin.

Waa maxay tan micnaheedu? Waa in aan anigu xaqiiqsado in tukashadani ay farxad gelinayso Aabaheenna janada ku jira, oo Isagu uu maqlayo; maadaama uu Isagu inagu amray inaan sidaa u tukano, oo uu inaga balanqaaday in uu naga maqlo. Aamiin, aamiin micnaheedu waxa weeye “haa, haa, sidaa bay ahaaneysaa.”

*Ereyadaasi kuma aysan jirin Kaatekiiska yar ee Luter.